Xanibaad lagu soo rogay Wasiiradii kalsoonida lagala noqday ee Puntland

4

Hanti-dhawrka guud ee maamulka Puntland Jaamac Maxamed Cismaan ayaa amar ku bixiyey in wasiirada kalsoonida waayey aysan wax lacag ah ka bixin karin Bankiga Puntland.

 

Qoraal ka soo baxay Hanti-dhawrka guud ee maamulka Puntland ayuu ku sheegay in xanibaadan ay soconeyso illaa amar dambe, waxaana go’aankan uu dhaqan galayaa laga bilaabo maanta oo Arbaco ah.

 

Jaamac Maxed Cismaan ayaa waxaa magacaabey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, waxaana horey loogu eedeeyey inuu ka gaabiyey dabagal inuu ku sameeyo musuqmaasuqa iyo xatooyada ka jirta Puntland.

 

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili golaha wakiiladu ay kalsoonida kala noqdeen xukuumaddii Cabdiweli Gaas iyagoo ku eedeeyey xil-gudasho la’aan, bixinta xuquuqda shaqaalaha oo lagu fashilmey iyo musuqmaasuq baahsan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More