#Xaalada Kaxandhaale oo dagan iyo Wafdi Dowlada ka socda Galinsoor ku wajahan

2

- Advertisement -

Xaaladda degaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa maanta degan kadib markii halkaasi ay dagaallo ka socdeen maalmihii lasoo dhaafay sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

- Advertisement -

Wafdigii dowladda Soomaaliya ay u dirtay degaanada Galmudug ayaa maanta sidoo kale lagu waddaa in ay taggaan degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Kulamo kala duwan ayaa lagu waddaa in ay la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshadda si ay uga dhaadhiciyaan in ay dagaalka Joojiyaan.

Degmada Galinsoor ayaa lagu heystaa Ciidan Itoobiyaan ah oo lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Kaxandhaale, waxaana Mas’uuliyiinta ay ka codsadeen  Maleeshiyaadka heysta in ay kusoo wareejiyaan Ciidankaasi si dowladda dhexe loogu soo gudbiyo.

Deegaanka kaxandhaale waxaan ku sugan Ciidamada Dowlada oo shalay kala dhexgalay Maleeshiyaadkii halkaas ku dagaalamayay.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More