#Wiil sida Godane isku qarinaya ayaa Waxaan oo dhan loo yeelayaa

76,045

- Advertisement -

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay dhaqamada Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin oo uu ku tilmaamay inuu yahay shaqsi isku qariya Axmed Godane, hogaamiyihii Al-Shabaab ee la dilay.

- Advertisement -

“Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idil na waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Facebook.

Hadalka CC Shakuur ayaa yimid kadib markii maanta Xaafadda banaanka looga soo saarey Xarunta Gollaha Shacabka oo uu hortagey markii ugu horeysay Fahad Yaasiin, taliya NISA oo wata ciidan gaar ah oo kahor tagaya in sawir ama muuqaal laga duubo.

Xildhibaanada ayaa su’allo koo-kooban oo lasoo xulay waydiiyay Fahad Yaasiin, waxaana laga dhigay kulankii maanta mid albaabada u xiran oo shacabka lala wadaagin jawaabaha ay bixinayeen Wasiiradda iyo Taliyeyaasha ciidaanka ee ku saabsan amniga dalka.

Fahad Yaasiin oo horey usoo noqday wariye katirsan Al-Jazeera Arabic, islarmarkaana xiriir dhaw la leh dowladda Qatar ayaa lagu tirayaa inuu yahay gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More