Weerar ay ka qeyb-qaateen ciidamo cadaan ah oo laga fuliyey Jubaland

Taliska Ciidamadda ayaa shaaca ka qaadey in lala beegsaday Al-Shabaab loogana "dilay xubno sar-sarre".

336,514

KISMAAYO, Jubaland – Taliska Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab laga fuliyey gobolka Jubadda Hoose, saacadihii lasoo dhaafay.

- Advertisement -

Gulufka oo si gaar ah uga dhacay degaanada Koban iyo Bangeeri oo ku dhow magaaladda Jamaame ay qayb ka ahaayeen ciidamo Ameerikaan ah, sidda ay shaaciyeen saraakiisha.

Bartilmaameedka ayaa wuxuu ahaa fariisamo ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku leeyihiin halkaas.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo taliska kasoo baxay, tirro dhowr oo Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa lagu duulaankaas, oo ay ku jiraan saraakiil sarre, balse aysan magacaabin.

Marka laga soo tago sheegashadda ciidamadda, ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarka oo dhinaca laga hayo illaa iyo haatan, wallow aan looga barin ay ka hadlaan jabkooda.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo saaxiibadeena caalamiga ah ay nagala qeyb-qaateen, waana kuwa socday siina socon doono,” ayuu yiri Korneyl ka tirsan Taliska Daraawiishta.

Dadka degaanka ayaa u sheegay saxafadda maxaaliga in ay maqleen daryenka rasaas culus oo labadda dhinac ay is-weedaarsadeen, taas oo khasaaro u geystay rayid.

Jubbaland ayaa mar sii horeysay ku dhawaaqday in ay qaadeyso dagaal saf-balaaran oo ay Al-Shabaab kaga xorreyneyso degaanada ka maqan gacanka ee ay maamusho argagixisada.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More