#Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku dhintay qarixii maanta

0 39,653

Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa ka mid noqday ku dhawaad 10 qof oo maanta ku dhintay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya waxaana ku geeriyooday dad isugu jira rayid iyo Ciidan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal tacsi ah oo ay soo saartay waxaa uu u dhignaa sidan;

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Saciid Xaaji Maxmuud Faarax , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda oo maanta oo ah Arbaco, 22 May, 2019 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay saaka agagaarka Daljirka Dahsoon ee Muqdisho.

Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta iyo kuwa kale. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.

Marxuum Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda ayaa ka mid ahaa xiliyadii dambe Guddi sare oo lataliyaal ah oo u xilsaaran dib-u-habeynta iyo horumarinta Siyaasadda Debadda. Marxuumka ayaa ahaa siyaasi, macallin, barbaariye iyo qof saaxiib la ahaa bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo ardayda ka caawin jiray fahamka cilmiga tirakoobka “Statistics”

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More