Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska oo kulan deg deg ah ka yeeshay Dadkii lagu laayay Duleedka Muqdisho

1

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo uu wehliyo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa waxa ay kulan gaar ah xalay la qaateen saraakiisha kala duwan ee ciidamada.

Kulanka ayaa sigaar ah waxaa looga hadlayay dhacdadii 9 ruux lagu dilay ee shalay Barqadii ka dhacday deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in dadkii lagu dilay deegaanka Xaawa Cabdi ay ahaayeen dad Shacab ah oo waday howlo nadaafadeed.

Waxa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid lagu wada gorfeeyey in si deg deg ah baaritaano loogu sameeyo dadkii ka dambeeyey Shacabka lagu laayey deegaanka Xaawa Cabdi,isla markaana natiijada kasoo baxda baaristaas ay Shacbaka la wadaagi doonaan.

Ilaa 9 Ruux oo lix ka mid ah ay haayeen Haween ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana weli jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More