Wasiirad waji gabax kala kulantay masraxa kadib markii lagu oryey

332,535

- Advertisement -

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Cayaaraha, Dhaqanka iyo Hiddaha Kenya, Aamina Maxamed, ayaa Axadii waxaa carqaladeeyay khudbad ay ka jeediyey munaasabad ka qabsoontay Nairobi, xrunta dalkaas.

Marwo Aamina ayaa waxaa lagu qasbey in ay joojiso kalmadeeda kadib markii qaar kamid ah dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda ay ku oryeen isla markaana ay dhageysan waayeen hadalkeeda.

“Waxaan u arkayaa in ay tahay medadaalo, waxaana rajeynayaa in aad mar walba i madaalin doontaan,” ayay tiri, sidda ku xusan muuqaal laga baahiyey baraha bulshadda.

Waxay raacisay: “Aad ayaad ugu mahadsan tihiin in aad kaga soo qeybgasheen munaasabadan tiraddan aadka u badan”.

“Wax wanaagsan ayaad sameyseen in aad taageerteen munaasabad dhaqameedkan,” ayay kusoo gabagabeysay hadalkeeda xili sawaxanka madasha uu sarre ahaa.

Munaasabadda Koroga ayaa waxay Keyanka ugu dabaaldegaan sarre u qaadida dhaqankooda cuno karinta, waxaana dhacdadaan ay la kulantay Aamina aad u hadalheysa warbaahinta.

Aamina oo horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa waxaa aad loogu ammaanay qaabka wanaagsan oo ay kaga falcelisay oorinta ka qeyb-galeyaasha oo ujeedada keentay aan wali la ogeyn.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More