#Wasiir Bayle: ” dantaa igu qasbeysa inaan idin sheegi waayo waqtiga la soo daabacayo lacagta cusub”

88,536

Wasiirka Maaliyadda XUkuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Bayle oo maanta shir ja’raaid ku qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa ka hadlay halka ay mareyso daabicidda lacagta cusub ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda aysan dhaqaale ahaan isku filnayn islamarkaana ku tiirsan tahay kaalmada Waddamada kale.

Waxaa uu sheegay in Lacagta cusub qarshkii lagu soo daabici lahaa uu maqanyahay marka ay dowladaha u bandhigaanna wixii ay ka soo helaan ku dabaraan Mushaarka Ciidanka, Koronta hay’adaha dowladda iyo mushaarka shaqaalaha dowladda.

C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa codsaday in aan lagu cel celin su’aasha ku saabsan daabacadda Lacagta cusub oo uu sheegay in ay u xayirantahay lacagtii lagu soo daabici lahaa, waxaana uu intaas raaciyay in ay danta ku kalliftay in uu waqti cayiman sheegi waayo.

Waxaa wasiirku sheegay in lacagtaas oo afartan Milyan oo doollar ah ay hadda kala bar ka hayaan inta kale ku dadaalayaan.

Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay qarannimada oo uu ku sheegay in ay tahay, Calan, Dhul iyo lacag, maaddaama lacagtii maqan tahayna uu dalku bar maqanyahay.

Bayle ayaa horau u ballanqaaday in dhamaadka sanadka 2019 ay Soomaaliya heli doonto lacag cusub oo ay iyada leedahay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More