#Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS oo war kasoo saartay Doorashadii Puntland

1

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Magaalada Garoowe Maanta ku doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilimi Cismaan (Karaash).

War-saxaafadeed ka soo baxaay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu hambalyeeyay labada masuul.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa Madaxda cusub ee Puntland u rajeysay in uu xilkooda Alle u fududeyso,isla markaana Shacabka reer Puntland uu Alle siiyo Guul iyo horumar.

Doorasho ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha cusub ee Puntland loogu doortay Saciid Cabdullaahi Deni kaasi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 35 Cod ,halka Madaxweyne kuxigeen loo doortay Axmed Cilimi Cismaan (Karaash) oo isna helay 47 Cod.

[pdf-embedder url=”https://www.axadletimes.com/wp-content/uploads/2019/01/wasaarad.pdf”]

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More