Wararkii ugu dambeeyey diyaarad sidday rakaab oo ku dhacday …

Garbahaarey (Axadle) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka diyaarad sidday rakaab oo kasoo ambabaxday magaalada Nairobi ay shil ku gashay garoon diyaaradeed oo ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa la sheegay inay ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee maamulka Mandera, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof oo ay kasoo qaaday magaalada Nairobi ee Axadle Kenya, waxaana jira khasaare soo gaaray.

Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhaawacmay illaa 7 qof, halka ay waxyeelo soo gaartay diyaaradda, kadib markii ay ka baxday dhabaha diyaaraduhu ay ku ordaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in garoonka ay diyaaradda shilka ku gashay uu ahaa mid aanu shaqeynenin sanadihii lasoo dhaafay, balse duuliyaha uu si deg deg ah uga dajiyey diyaaradda halkaasi, maadaama ay soo wajahday cilad xoogan.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo uu maamulka gobolka Gedo ka bixiyey shilkaasi diyaaradeed iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay intaba.

Xaaladda ayaa hadda caadi kusoo noqotay, waxaana gurmad degdega loo fidiyey diyaaradda shilka gashay iyo dhammaan rakaabkii la socday ee laga soo qaaday Nairobi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More