#Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

179,404

Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay bartamaha magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Wadada Makka Al-Mukarama, oo ah jid aad u mashquul badan, oo inta badan ay madaxda dowladda isticmaalaan.

Goobjooge la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay Gaari walxaaha qarxa lagu soo xiray, kaasoo ku qarxay nawaaxiga Hotel-ka Mubaarak, oo ku yaalla Isgoyska Xaaji Baasto.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeyb badan oo kamida Muqdisho, iyadoo cirka uu isku shareeray qiiq iyo uuro madow, oo laga arkayay meelo fog oo caasimadda katirsan.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro kharaasooyin kala duwan, balse aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin. Gaadiidka gurmadka degdega ayaa goobta kusoo qulqulaya, oo dhaawacyada u daabulaya Isbitaalladda.

Rasaas culus ayaa la maqlay qaraxa kadib, taasoo ay ridayaan ciidamada booliska dowladda Soomaaliya.

FAAHAAFIN, kala soco wararkeena dambe.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More