#Wararkii ugu dambeeyay Iska hor-imaad xoogan oo ka dhacay Magaalada Jowhar

1

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta uu ka dhacay dagaal xoogan.

- Advertisement -

Dagaalkaasi ayaa u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Ciidamo uu watay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere,waxaana ka dhashay dagaalka Khasaaro.

Wararka ayaa sheegaya Dagaalka uu bilowday ka dib markii ciidamo ka tirsan Hirshabeelle oo sugan Kontrolka Woqooyi magaalada Jowhar ay is hor taageen gudoomiye ku-xigeenkii hore dhanka Amniga Gobolka Sh/Dhaxe iyo ilaaladiisa oo doonayey iney magaalada galaan.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur dheere ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid tuulooyin hoostaga Magalada Jowhar,hayeeshee loo diiday in uu Magalada Jowhar gudaha u galo.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob jogayaal ah, laba ruux oo oo kala ahaa Haweeneey iyo Nin oday ah  ayaa dagaalkaas ku geeriyoodayy, lamana oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

weli waxaa is hor-fadhiayaan Ciidamadii ku dagaalamay  Koontaroolka laga soo galo Magaalada Jowhar ee ku yaalla Wadadada aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha ee  Magaaladaasi, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay halkaas naga soo gaaray

Wararka qaar ayaa sheegaya in Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa goor dhow ku baxay mashaqadan, iyagoo isku dayaya iney dejiyaan xiisada ka taagan kontrolka woqooyi Jowhar, mana jiro wax war ah oo illaa hadda ka soo baxaty maamulka..

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More