Warar ka soo baxaya Safar Shariif ku tagi lahaa Jubbaland

12,727

Waxaa faafaahin dheeraad ah. Ka soo baxaysaa diyaarad maanta lagu waday. In ay Muqdisho ka soo qaado Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Shariif Sheekh Axmed oo loo diiday inay u duusho Kismaayo.

Sida wararku sheegayaan. Amar ka soo baxay Hey’adda Duulista Hawada. Ayaa lagu wargeliyay diyaaradaha aadaya Kismaayo in ay is diiwaan geliyaan ayna fasax soo weydiisato Hey’adda 24 saac ka hor.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Saxafadda u sheegay. In diyaarad qaadi laheyd Sheekh Shariif oo aheyd mida rayidka ah. Lagu wargeliyay in aanay qaadi karin. Sidoo kalena Maamulka Jubbaland. Ay isla diyaarada ayadana ku wargelisay. In haddii aanay soo qaadin. Sheekh Shariif aysan ka soo degi karin Kismaayo sidaas ay ku baaqatay diyaarad rakaab u qaadi leheed Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa lagu waday in uu maanta gaaro Kismaayo, si uu uga qayb noqdo Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo 26 –da bishaan lagu Caleema saaryo Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Cambaareeyay arintaan waxa ayna ku tilmaameen in lagu Xadgudbay Sharciga dalka u yaal sida ay hadalka u dhigeenka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulamo la leeyahay Madaxda Xisbiyada dalka waxaana lagu wadaa in saacadaha Soo socda ay soo saaraan war-Saxaafadeed ay uga hadlaan arinta la xariirta Socdaalka Magaalada Kismaayo iyo ka qayb galka Caleema saarka Axmed Madoobe.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa saaka ka yimid dalka Turkiga oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa, isagoo la socday diyaarada Turkish Airlines, waxaa la sheegay in diyaarad kale ay u sii qaadi rabtay Kismaayo, hase ahaatee amar ka soo baxay dowladda Federaalka loogu diiday in ay u qaado Kismaayo.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More