Warar dheraad oo laga helayo Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

24,136

Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo goordhow ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama. Kaasoo jugtiiisa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaaxi cusub oo caawa uun xarriga laga jarayay furitaankeeda. Waxaana xiliga qaraxa uu dhacayay gudaha Maqaaxida ku sugnaa dad u badan dhalinyaro oo lagu casuumay munaasabada.

Qof kamid ah dadkii ku sugnaa, halka qaraxa uu ka dhacay oo weerarka ka badbaaday ayaa Warbaahinta  u sheegay,  Inuu arkay dhimashada hal askari iyo dhaawaca 4 qof oo kale. Kuwaasoo isugu jiray dadkii munaasbaada lagu casuumay iyo kuwo wadada marayay.

Maqaaxida qaraxa uu ka dhacay waxa ay ku taalaa aagga isgoyska Shaqaalaha. Waxaana halkaasi buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan Booliska Saldhigyada Waaberi iyo Hodan oo howlgallo baaritaana ah sameynaya.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa. Wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu qarxay gaari qarax qof loogu xiray, halka warar kalena ay sheegayaan inuu ahaa mid lagu soo raray walxaha qarxa.

Waxaa jiray Mootooyin badan oo Bajaaj ah, kuwaasoo lagu arkayay iyagoo gubanaya, maadaama ay saameeyeen qaraxa goobta ka dhacay.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida. Ayaa aalaaba looga bartay weerarada ka dhaca magaala madaxda Soomaaliya gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama oo isgoyskan uu ku yaalo.

AlShabaab oo laga saarey Muqdisho sanadkii 2011-kii, Ayaa tan iyo waqtigaasi waxa ay ka fulisaa magaaladda howlgalo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay wehliyaan weeraro toos ah.

Goobta uu ka dhacay qaraxa ee Xaaji Baasto,  Ayaa xiliyadda fiidkii ah mid mashquul badan. Waxaana ku yaala mehrado ganacsi iyo maqaaxiyo ay ku shaaxeeyaan dadyow kala duwan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More