Wafdi ka socda beesha caalamka oo ku wajahan magaalada Dhuus…

Dhuusamareeb (Axadle) – Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, waxaana wehlinayo safiiro kale.

Socdaalka wafdigan ayaa la xiriira u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay xubnaha dalalka beesha caalamka kulan gaar ah ay la qaadan doonaan madaxweynaha Galmudug oo shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo kala hadli doono dardar-gelina arrimaha doorashooyinka, maadaama heshiis laga gaaray.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaalada, si loo xoojiyo amniga Axadle Galmudug.

Xubnaha beesha caalamka ayaa wada dadaallo xoogan oo ku aadan sida loo wajahayo  doorashooyinka, waxaana ay horey u tageen magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, iyaga oo la kulmay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo sidoo kale Jubbaland.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray Caasimadda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More