Waa maxay Nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran?

Sida uu dhigayo heshiiskii ay wada gaareen dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee ka soo baxay shirkii golaha amniga qaranka oo ka dhacay Baydhaba June-2018; HabkaDoorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee Sanadka 2020, waxa uu noqonayaa nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran ee nooca Liiska Xiran (Proportional Representation –Closed List)

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha Amniga Qaranka

Haddaba waa maxay nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran ee nooca Liiska Xiran?Qormadan waxa ku jira lafa-gur iyo falaqeyn kooban oo ku saabsan nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran.Nidaamka Metelaadda isu-dheellitiran waxa uu kamid yahay nuucyada doorasho ee lagaadeegsado dalal badan, waana mid kamid ah mabaadiida talo-wadaagga ismetelaadda ku dhisan,waxa uu leeyahay uguna caansan laba qaab oo kala duwan, kuwaas oo ka dhaqan galay laguna adeegsaday doorashooyin kala geddisan oo ka dhacay waddamo kamid ah qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran ee nuuca Liiska Xiran iyo nidaamka Matelaadda IsuDheelitiran ee nuuca Liiska Furan, waa labada nuuc ee ugu isticmaalka badan nidaamkametelaadda isu-dheellitiran, Dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxa ay islaqaateen in doorashada 2020, la filayo in ay ka dhacdo Jamhuuriyadda Soomaaliya ay noqoto nuuca Nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran ee nuuca Liiska Xiran.

Marka loo adeegsanayo nuuc doorasho guud waa hannaan laanta xeer-dejinta ka siinaya xisbi iyo urur siyaasadeed walba oo ku jira tartanka doorashada tiro kuraas ah, kuwaas oo u dhigma lambarka codadka uu xisbiga ama urur-siyaasadeedku ka helo doorashooyinka, Sidaas oo kale waxa uu nidaamkani xisbiyada ka siinayaa golaha shacabka metelaad ama cod ku jaan go’an inta ay la egtahay taageerada uu ka haysto dadweynaha.

Nidaamka Metelaadda isu-dheellitiran (Proportional representation) waa kan ugu habboon ee xaqiijiya in dhammaan bulsho kala duwan oo isku waddan ah ay ka dhexmuuqdaan laanta xeerdejinta iyo metelaadda deegaanada kala geddisan marka la garab dhigo  nuucyada doorasho ee kale.

Nidaamka Metelaadda isu-dheellitirani waxa uu dhiirrigelinayaa in bulshada la takooro, la yaso ama lagada tirada badan yahay ay yeelato cod ku metela Baarlamaanka, sidaas awgeed wadiiqada ugu sahlan ee qaadashada nidaamkani waa in si rasmi ah oo saxan loogu qaybiyo dhammaan kaararka codeynta tirada kuraasta lagu tartamayo ee doorashooyinka.

Nidaamka Metelaadda isu-dheellitiran waxa uu leeyahay dhowr qaab oo ku saabsan habka ay codbixiyeyaashu u dooranayaan cidda meteleysa, waxa ugu caansan Nuuca Liiska xiran iyo Nuuca Liiska furan.

Nuuca Liiska xiran: xisbi walba waxa uu u soo bandhigayaa deegaan-doorasho kasta Liismusharixiin ah oo u tartama kuraasta uu xisbigaasi ku yeelan doono laanta xeer-dejinta,codbixiyeyaashuna waxa ay kala dooranayaan xisbiyadaas iyaga oo ku qiimeynaya hoggaanka, ballanqaadka iyo baaxadda xisbiga, nidaamkani waa habkii ay ku yimaadeen xildhibaanada Ingiriiska ku metela Baarlamaanka reer Yurub.Nuuca Liiska xiran: Codbixiyeyaashu waxa ay u kala codeeyaan Liisaska xisbiyo siyaasadeed oo tirada codadka ay ka helaan musharxiinta liisaskaasi doorashada ay go’aamin doonto cadadka kuraasta ay xisbiyadu ku guuleysanayaan ee Baarlamaanka.

Nuuca Liiska xiran: Xisbi walba waxa uu helayaa tiro kuraas ah oo ku jaango’an codadka uu ka helo doorashada, Haddii tirada codbixiyeyaasha diiwaangashan ee deegaan-doorasho(constituency) ay tahay 700, oo codbixiye (Voter), kuraasta loo tartamayana ay tahay 7; kursi, cadadka ugu yar ee  loo baahan yahay waa 700, oo cod oo loo qaybinayo 7; kursi (700÷7=100), xisbi walba ama musharax kasta oo hela ama gaara tiradaas waxa loo aqoonsanayaa in uu guuleystay.

Si aad u fahamto ka soo qaad in deegaan-doorasho ka tirsan gobolka Banaadir; loo qoondeeyey 10; kursi oo uu ku yeelan doono Baarlamaanka, tobankaas kursi waxa tusaale ahaan ku tartamaya 3; Liis oo ay kala leeyihiin 3; Xisbi, isbaheysi, Urur, ama Gole,, kursi walba waxa lagu guuleysan karaa marka la helo 1000; cod, haddii Liiska koowaad ee xisbi helo 6,000; oo cod, Liiska labaadna helo 3,000; oo cod Liiska saddexaadna helo 1,000; cod, iyada oo la raacayo tirada codadkaas ayaa lagu qaybinayaa kuraastaLiiska koowad ee helay 6,000, oo cod waxa uu ku guuleystay Lix kursi, Liiska labaad ee helay 3,000, oo cod waxa uu ku guuleystay Saddex Kursi, halka liiska ugu dambeeya ee saddexdaad ee halay 1,000, codna uu ku guuleystay hal kursi.

Nuuca Liiska furan:Waxa uu lid ku yahay nuuc liiska xiran, Codbixiyeyaashu waxa u aydooranayaan musharixiin, xisbi walba waxa uu sameysanayaan liiska musharxiin ka tirsan oo loo dooranayo si shaqsi ah (an individual candidate)

Waxtarka qaadashada habka doorashada Liiska xiran

Waddan ka kabanaya taariikh dheer oo colaad, xukun kaligi-talis iyo kala qaybsanaanbulsho, sida dalkeena Soomaaliya waxa lagama maarmaan ah in dhammaan qaybahabulshadu ay metelaad buuxda oo dhab ah ku yeeshaan Baarlamaanka, tallaabadaas ayaa ugogol-xaareysa dhismaha dowladnimo iyo xukun talo-wadaag ah, kaas oo aymuwaadiniintu codkooda u diidi karaan xubnaha xisbigii ay u arkaan in uusan kuhabboonayn hoggaanka iyo fulinta ballamaha.

Habkan doorasho (Nidaamka Metelaadda isu-dheellitiran), xisbi siyaasadeed walba oo hela tiro yar oo codad ah waxa uu awood u siinayaa in ku yeesho Barlamaanka metelaad u dhiganta inta ay dhan tahay taageeradiisa shacbku.

Waxa uu meesha ka saarayaa dhammaan natiijooyinka aan caddaaladda ahayn eelagayaabo in ay sababaan nuucyada doorasho ee kale, sida doorashada dadban.

Cod kasta oo la dhiibto waxa uu si dhab ah kaalin ugu yeelanaya buuxinta kuraastaBaarlamaanka, taasina waxa ay ku dhiiirrigelinaysaa codbixiyeysha in ay tagaan goobaha doorashada xitaa haddii ay kamid yihiin muwaadiniinta laga tirade badan yahay.
Xisbiyada siyaasadda ayuu nidaamkani ku dhiirrigelinayaa in ay u jeediyaan hadaladaololohooda doorashada hab guud oo ku wajahan codbixiyeyaasha lagayaabo in aanaydooran balse haddii ay xisbiyadu bixiyaan dadaal badan ay suuragalka tahay in ay helaan codkooda.
Waxa uu nidaamkani hoos u dhigayaa takoorka iyo faquuqa lagayaabo in ay ka jiraandeegaan gaar ah.
Tiro-koob ahaan adeegsiga nidaamkani waxa ay suuragal ka dhigi doontaa in tiro badanoo haween ah ay kamid noqdaan Baarlamaanka.

Ceebaha qaadashada habka doorashada Liiska xiran

Isticmaalkan habka doorashada Nidaamka Metelaadda isu-dheellitiran waxa ka dhashaxukuumado ku dhisan isbaheysi, sidaas awgeed waxa culeys iyo caqabad lagala kulmikaraa go’aan gaaridda, si gaar ah xilliyada loo baahdo go’aan habboon oo degdeg ah.
Xisbiga ugu kuraasta badan ee ku guuleystay doorashooyinku waxa uu iskudyaahirgelinta qorshihiisa balse xisbiyada yaryar ee xukuumad-wadaagga la ah ayaa sameynkara is hortaag, ama waxa ay ku gooddin karaan in ay isaga baxayaan xukuumaddawaddaagga ah, taasina waxa ay keeni kartaa fadhiidnimo sababta in xukuumaddoburburto.
Nidaamka doorasho ee Liiska xiran waxa uu fursad siinayaa xisbiyada xag-jirka ah eeaan lahayn deegaan-doorasho gaar ah balse tirade codadka yare e ay helaan ayay kuimaan karaan Baarlamaanka.
Dhalliilaha kale ee loo jeediyo nidaamkan waxaa kamid ah in codbixiyeyaasha iyoxisbiyada ku metelaya Baarlamaanku aanay lahayn xiriir adag.

Waddamada adeegsada83; Dal oo kamid QM; ayaa hadda adeegsata nidaamkan doorasho ee Metelaadda isudheellitiran,Denmark, Norway iyo Spain ayaa kamid ah waddamadaas28; Dowlaood oo Yurub ah 21; kamid ah ayaa nidamakan u isticmaala nuuc doorasho oo kuhabboon dallalkooda, sidaas oo kale 41; dowladood oo yeeshay nidaam talo-wadaag ah oo sal adag 38; kamid ah ayaa qaatay Nidaamka Metelaadda isu-dheellitiran.Labadan nuuc kii la qaataba waxa uu ka dhigan ahay metelaad sax ah, Aamin ah, isudheellitiran, kalsooni fiican leh islamarkaana fudud oo ay codbixiyeyaasha waddan Soomaaliya oo kale ah ay si sahlan u raaci karaan, waxa kale oo uu noocan doorasho ku habboon yahay muujinta dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed ee ku nool deegaan doorashada lagu isticmaalayo Nidaamka Metelaadda isu-dheellitiran.

Halkan kala deg maqaalka oo Pdf ah

Nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran

_________________________

Axadle RadioXogtan lama minguurin karo lamana daabici karo haddii aan la xuseyn isha macluumaadka.WQ: Axmed GuutaaleDersa Sharciga & Qaanuunka