Waa kuma Kate Foster haweeneyda loo soo magacabay Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa shaqadii ka joojisay safiirkeedii Soomaaliya Ben Fender, iyadoo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, Kate Foster, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda UK.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in bisha Febraayo 2021, Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo diblomaasiyadeed, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay UK Isniinta.

Dowladda UK ayaa Amb, Ben Fender u magacowday Soomaaliya 30-kii Janaayo, 2019, wuxuuna ka shaqeynayay Soomaaliya sanad iyo 11 bilood.

Ms Foster ayaa la wareegi doonta safaarada Soomaaliya bisha Febraayo 2021.

Marka maxaan ka ognahay? Safiirka Kate Foster ee Soomaaliya?

Kate Foster waxay u shaqeyneysay Xafiiska Arimaha Dibadda, Barwaaqo Sooranka & Horumarinta mudo ku dhow 20 sano.

  • 2018, waxa ay ka soo shaqaysay Xafiiska joogta ah Golaha wasiiradda, Agaasime kuxigeenka Arimaha Caalamiga ah, Xoghaynta Amniga Qaranka iyada oo ka dib madax ka noqotay Akadeemiyada Sare ee Difaaca UK .
  • 2017, waxa ay ka shaqaysay Waaxda Horumarinta Caalamiga, waxa ayna noqotay Madaxa, Istaraatiijiyadda Afrika.
  • 2015 ilaa 2017, waxa ay ka shaqaynaysay Waaxda Horumarinta Caalamiga, Madaxa la socodka Colaadaha Afrika iyo madaxa Qeybta Bani’aadamnimada Yemen.
  • 2014 ilaa 2015, Dowladda UK ayay u qaabilsaneed ka Jawaabida Ebola sidoo kale waxa ay ku shaqaysay Madaxa Howlgallada, Sierra Leone.
  • 2012 ilaa 2014, waxa ay hay’adda Crown Agence ka noqotay Agaasime kuxigeenka, Kooxda Waaxda Horumarinta Caalamiga ee Khilaafaadka & Hawlaha Bani’aadamnimada.
  • 2011 ilaa 2012, waxa ay ku shaqaynaysay, Agaasimaha Barnaamijka, Waxqabadka Degdegga ah ee Save the Children.
  • 2008 ilaa 2011, waxa ay mid Guddiga Caalamiga Badbaadinta Carruurtano u qaabilsan Save the Children, Iyada oo ka dibna qotay Agaasimaha Barnaamijka ee Koonfurta Suudaan.
  • 2006 ilaa 2008, Gudiga Badbaadinta Caalamiga {International Rescue Committee}, ayay ka noqotay Isuduwaha Barnaamijka Maamulka.
  • 2004 ilaa 2005, UNHCR / Right to Play, ayay ka eheed Madaxa Dhalinta Qaxootiga ah ee Sierra Leone iyo Liberia.
  • 1999 ilaa 2004, waxa ay ka shaqaynaysay shirkado gaar loo leeyahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More