Villa Soomaaliya oo lagu weeraray Madaafiic iyo khasaaro jira

24,199

Hoobiyeyaal tiradooda lagu sheegay illaa iyo saddex ayaa. Ayaa lagu waramayaa in lagu duqeeyay Arbacadda maanta ah agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegeysa. In mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay safaarada Itoobiya oo ku dhextaala Villa Soomaaliya gaar ahaan dhismaha ay degan tahay Wasaaradda Warfaafinta.

Madfaca labaad ayey saxaafaddu tabineysaa in uu ku dhacay. Xaafadda loo yaqaano Kaambada ku dhegan xarunta. Taliska Booliska ciidamadda Soomaaliya ee loogu yeero Commando Policio.

Hoobiyeyaha saddexaad. Ayaa waxaa la warinayaa in uu ku dhacay xaafadda Cago dhiig oo ku teedsan. Aqalka waddanka looga armiyo uuna ku yaala xafiiska madaxweynaha qaranka.

Khasaaro ayaa ka dhashay. Dhacdooyinkan. Balse waxaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey dhimashada hal ruux oo ay waxyeelo kasoo gaartay madfaca ku habsaday xaafada Kaambada.

“Khasaare kale oo dhaawac ah waa ay jiraan balse wali lama tirakoobin,” sidaasi waxaa saxafadda sheegay saxafadda maxaaliga ah sarkaal dhanka caafimaadka ah.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas’uuliyadda falkan, balse dagaalameyaasha AlShabaab ayaa aalaaba sheegtay weeraradan oo kale.

Bishii Maaj ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii shan madfac lagu garaacay Villa Soomaaliya, kuwaasi oo ku dhacay xafiisyo kala duwan, wallow khasaaruhu u badnaa mid maaliyadeed.

Inta badan Madaafiicda hoobiyeyaasha ayaa waxaa sheegta Al-Shabaab in ay ku weeraraan Madaxtooyada, waxaana ay geystaan khasaarooyin kala duwan oo dad rayid ah uu ka soo gaaro.

Laamaha Amaanka Soomaaliya Wali kama hadlin Madaafiicda maanta ku soo dhacday Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More