UN waxay ka digayaan ayaxa

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FAO ayaa lagu sheegay in wali aan la cadeyn saameynta ayaxa ku yeeshay Afrika.

Hay’addu waxay sheegtay in Ayaxu uu ku faafay Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo dalal kale sida Tansaaniya, ayna u badan tahay in dadku ka barakacaan dhul daaqsimeedka si ay u daaqaan xoolahooda iyo beeraha sugaya xilli sannadeedka.

FAO ayaa sheegtay in Ayaxani uu dhawaan gaadhay Degmada Mwanga ee waqooyiga Tanzania, halka magaalooyinka kale ee deriska la ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay saameyn taban ku yeesheen deegaanka.

“Kenya, ayaxu wuxuu gaadhay magaalooyin dhowr ah walina wuxuu ku badan yahay Wajeer, Gaarisa, Marsabit iyo inta badan Isiolo. Way fidayaan waxayna qarka u saaran yihiin barakaca beeraleyda iyo xoola dhaqatada.” Tani waa sida ay sheegtay hay’adda FAO.

Ayaxu wuxuu gaadhay deegaano dhawr ah oo dhaca koonfurta, badhtamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, wuxuuna degay dhul daaqsimeed u roon xoolaha iyo dalagyada beeralaydu rajaynayaan inay goostaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More