#Uhuru Kenyatta: Sababta Igu Kaliftey In aan Joojiyo Isticmaalka Baraha Bulshadda Waxaa Waaye…

369,734

Kenya – Madaxweynaha dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay waxa uu daboolka ka qaaday sababta uu hawada uga saarey qaar kamid ah akoonada uu ku leeyahay baraha ay bulshadu kulanto.

Uhuru Kenyatta, oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Nairobi, ayaa waxa uu ku eedeeyay talaabadaasi in ay ku kalifeen siyaasiyiin uu sheegay in ay diirada saarayeen olalaha doorashada 2020-ka.

Siyaasiyiinta ayuu ku booriyey in ay xooga saaraan sidii ay u bixin lahaayeen adeegyada ay bulshadda u baahan tahay.

“Markii ay arkaan aniga oo aamusan, waxay ii arkayaan in aanan ahayn qof halis ku ah iyaga. Waan ka saari doonaa meel walba oo ay joogan,” ayuu yiri.

Mr Kenyatta oo sii hadlaya ayaa waxa uu intaasi raaciyey in uu joojiyey in uu wareysi gaar ah siiyo wargeysyadda.

“Hadda idinka ayaa ciwaanada jaraa’idka iga dhigaya, aniga waxba ilama ahan. Waan joojiyey in aan xooga saaro joornaalada iyo kuwa uu Facebook-ga u yahay kan kuwooda,” ayuu hadalkiisa daba dhigay.

Horaantii, sanadkan bey ahayd markii ciwaanada baraha bulshadda ee Uhuru, sida Twitter iyo Facebook, hawada laga saarey xili ay wali sidii uga maqan yihiin, waxaana dadka ay dhowrayaan waxa dhaliyey oo ay haatan ogaadeen.

Sharaxaad Uhuru Kenyatta ayaa ka duwan fahfaahin horey uga soo baxay sarkaal ka tirsan Madaxtooyadda oo ku saabsan loo xiray ciwaanada madaxweynaha markii la isku dayey in la jebsado.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More