Uhuru Kenyatta oo ku hanjabay in Al shabaab ay dhulka ku dari donaan

3

Kadib markii ay si aad ah u kordheen weerarada Ururka Al Shabaab ay ka gaystaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, islamarkaana ay ku beegsadaan ciidamada dalka Kenya, ayaa Madaxweynaha Kenya wuxuu ku hanjabay  inay beegsan doonaan Ururka Al Shabaab.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa wuxuu ku goodiyay inay aasi doonaan Shabaab, islamarkaana hawlgalo culus ay ka bilaabi doonaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kenyatta, ayaa hadalkaan ka sheegay goob uu ka sameynaayay ololaha doorashada xilka Madaxtinimada Kenya oo mar kale uu u sharaxan yahay, wuxuuna ugu baaqay bulshada qaar ee deeganada Waqooyi Bari inay ka guuraan si hawlgalada ka dhanka ah Shabaab looga bilaabo halkaasi.

Dadka ku nool deegaanka Impakatoni ee dalka Kenya ayuu Madaxweynaha amray inay ka guuraan, halkaasi si loo bilaabo hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidooo kale ka hadlay hadalo ka soo yeeraayay Mucaaradka dalkiisa, kaasi oo ku saabsanaa in ciidamada Kenya laga soo saaro gudaha dalka Kenya.

Al Shabaab aya gaadiid dhawaan ka soo qafaashay gudaha dalka Kenya, waxayna la soo aadeen dhanka Somaliya iyaga oo kala soo gudbay xuduuda ay wadaagaan dalalka Somaliya iyo Kenya.

Xaruunta Dhexe ee Shabakadda Axadle Group
Axadle International Monitoring – Africa
Mogadishu-Somalia
info@axadletimes.com

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More