Uganda oo sheegtay in ammaanka Xarunta DG Koofur Galbeed uu

4

Dowladda Uganda & Militariga Soomaaliya ayaa wadajir gacanta uga haya ammaanka Magaalo Xeebeedka Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhanka kale ah Caasimadda DG Koofur Galbeed, Inkasta oo uusan ku shaqeyn maamulka.

Uganda ayaa sheegtay in wadajirka Ciidamada Qaranka Soomaaliya & kuwa UPDF-ta ay suuragelisay in ammaanka Magaalada Baraawe oo heerar kala duwan soo maray haatan uu noqdo mid wanaagsan oo aad loo hubiyo.

Taliyaha kooxda 29-aad ee Ciidamada Uganda Edward Kaddu ayaa sheegay in markii ay qayb ka qaateen sugidda amniga in ay usoo jeesteen xoojinta dhanka Waxbarashada si fursad loo siiyo jiilka yar ee ah Ubaxa Mustaqbalka.

Dowladda Uganda ayaa agab kala duwan gaarsiisay Iskuulka Ambareesa Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Korneyl Edward Kaddu oo ku hadlay afka Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda ayaa sheegay in ay xoojinayaan dhanka Tacliinta.

“Waxa aan bogaadinayaa doorka wanaagsan ee Hoggaanka Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA), Odoyaasha dhaqanka & dhammaan dadka ka shaqeeyay in Askarta Uganda lagu soo dhaweeyo Degmada Baraawe bilawgii howlgalka halkaan aan ku qabanay” ayuu yiri Taliyaha 29-aad ee Ciidamada Uganda.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Waxa aan awoodnaa in aan ilaalino nabadda, maxaa yeelay wada shaqeynta wanaagsan ee Ciidamada Qaranka Soomaaliya waa  ay hagaagsan tahay, waana in aan wadajir uga shaqeynaa horumarka Baraawe & guud ahaan Soomaaliya”.

Kaalmada Ciidamada Difaaca Uganda ee ku jira howlgalka AMISOM ayaa kala ah: 150 miis oo ah kuwa Ardayda Wax ku barato, 4 miis xafiiseed, 50 kursi oo caag ah, 560 buug oo ah kuwa wax lagu qorto, 4-Sabuurad & qalab kale.

Dowladda Uganda oo AMISOM mas’uul uga ah ammaanka Gobollada Banaadir & Shabeelaha Hoose ayaa sheegtay in ay xoojineyso isbadalka dhanka dhaqaalaha, Bulshada, Waxbarashada & sugidda amniga, sida uu sheegay Taliyaha kooxda 29-aad, waxyaabaha ay dadka ka caawiyaan waxa uu ku sheegay in ay kamid yihiin: Daryeelka Caafimaadka, Biyo nadiif ah, qalabka Waxbarashada, dib u dayacitrka waddooyinka iyo kuwa kale.

Ciidamada Uganda oo Soomaaliya soo galay sanadkii 2007-tii ayaa tan iyo xiligaas waxa ay la kulmeen weeraro ay geysteen & kuwo lagu qaaday oo ay ku waayeen Askar & saraakiil ciidan, halka qaarkood lixaadkooda ay ku waayeen.

Isha:  Chimp Reports  / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More