Tuulooyinkan ku yaal Talyaanigu Ayaa lagu iibinaya guyaha €2

Magaalooyin ku yaal dalka talyaaniga ayaa ku iibinaya guryo ku yaal lacag 1 dollar kaliya, kadib markii tuulooyin badan ay noqdeen kuwo haawanaya oo ay dadkii isaga tageen.

Illaa 16 guri oo ku yaal magaalada Sambuca di Sicilia ayaa lagu iibiyay gurigiiba hal dollar oo kaliya iyadoo sidoo kale guryo kale ay haatan yihiin kuwo iib ah.

Markii la maqlay iibka dhismooyin duug ah oo lagu iibinayo hal dollar oo kaliya ayaa magaalada Sambuca waxaa gaaray weriyaal badan si ay dhacdadan ku cusub caalamka ay u soo tebiyaan.

Sidoo kale magaalo ku taal dalka Talyaaniga ayaa dadka soo degeya waxaa la siinaya lacag gaareysa 33,000 oo dollar si uu magaaladaa ugu noolaado.

Gobolka Calabria ayaa qorsheynaya in uu siiyo lacag gaareysa €28,000 ($33,000) qofkii soo degeya magaaladeeda iyadoo magaaladaana ay ku nool yihiin hadda dad gaaraya 2,000 oo ruux.

Magaalooyin badan oo ku yaal dalka Talyaaniga ayaa dadkii ku noolaa waxa ay noqdeen kuwo geeriyooda halka kuwa badana ay ka hayaameen iyagoo degey magaalooyinka waaweyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More