Tuugo Qasri Ku Yaala Ingiriiska Ka Xaday Fadhiga Musqul Dahab Ka Samaysayn

Musqul 18-carat ah oo dahab ah ee laga xaday goobta uu ku dhashay Winston Churchill ayaa lagu qiimeeyaa £ 4.8 milyan.

24,173

Tuugo Qasri Ku Yaala Ingiriiska Ka Xaday Fadhiga Musqul Dahab Ka Samaysayn. Iyaago Ka Xadey qasriga Blenheim ee Ingiriiska ku yaal.

Sida ay booliisku sheegeen rag burcad ah ayaa u dhacay qasriga Oxfordshire markay saacaddu ahayd abbaaro 04:50 BST. Waxayna xadeen waxyaabihii ku xardhanaa Musqusha oo fadhigii uu ka mid yahay.
Waxaa wali la la’yahay fadhiga Musqusha. Kaas oo inta badan lagu soo dhawayn jiray dadka martida ah – balse waxaa arrintaas loo xiray nin 66 jir ah.

Ragga tuugadda ahi waxay gaysteen “waxyeello aad u weyn iyo in gurigii ay biyo ku fatahaan” waayo suuligu wuxuu ku xiriirsanaa dhammaan tuubooyinka guriga.

Gurigan weyn ee la dhisay qarnigii 18aad ayaa ah dhaxal taariikhi ah oo caalami ah. Waana halkii uu ku dhashay mudane Winston Churchill. Gurigan ayaana haatan la xiray si baaritaan logu sameeyo.

Dadka martida ah ee bandhigyada halkaas u yimaada ayaa adeegsan jiray musqushan. Ayadoo qof kasta uu helaayo saddex daqiiqo oo uu ku galo musqusha si dadku aanay saf dheer u gelin.

Det Insp Jess Milne, ayaa yidhi: ” Qeybtan yare e la xaday waxa uu ku fadhiyey qiimo aad u badan kaas oo lagu soo dhawayn jiray martida timaadda qasriga.

“Waxaan rumaysannahay in koox dambiileyaal oo isticmaalayey ugu yaraan laba gaadhi ay falkan geysteen.

Madaxa fulinta qasrigaas, Dominic Hare, ayaa sheegay in ay ” ka naxeen dhacdadaan aan caadiga ahayn, balse farxadgelisay in cidina aanay waxyeello soo gaarin”.

Ninka kiiskan u xiran ayaa wali ku jira gacanta booliiska.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More