#Turkiga Oo Tababarada Duuliyayaasha u Sameynaya Somali Airlines

19,471

Xidhiidh bar bilawgiisu wanaagsan yahay ayaa u dhex maray Shirkadda Turkish Airline iyo shirkadii Somali Airlines, waxana ay Turkidu balan qaadeen in dowladda Somaaliya ay u tababari doontaan duuliyayaal cusub sidoo kalena ay tabaro dib u xasuusin ah siin doonaan duuliyayaashoo hore Somali Airlines.

Maareeye ku-xigeenka garoonka Adan Cadde, Capt. Ceydaruus Axmed Kaahiye oo la hadlay Saxafadda kuna matalayay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarradda Gaadiidka iyo duulista hawadda ayaa sheegay in sharikadda Turkish Airlines ay balanqaaday tababarka duuliyayaal cusub oo loo qaadanayo shirkadda Somali Arilines kaa oo socon doona muddo labo sano ah, waxaa tababarka qeyb ka noqondoona gargaarayaasha diyaaradda (Air hostess).

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muddo kooban tababar Refreshment la sii doono qaar ka mid ah duliyayaashii hore ee shirkadda.

Duuliyayaasha cusub ee la soo tababarayo ayuu sheegay Capt. Ceydaruus in laga soo xuli doono guud ahaan dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib codsi ka yimid Wasaarradda Gaadiidka iyo Duulista hawadda dowladda Soomaaliya oo muddooyinkii ugu danbeeyayba ku howlaneyd sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii shirkadda Somalia Ariline oo meesha ka baxday tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 1991-kii.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More