#Tuhunsanayaal Al-Shabaab ah oo lagu qabtay Muqdisho

13,716

- Advertisement -

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgalo ay ciidamadu sameeyeen saacadihii u dambeeyay.

- Advertisement -

Sakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka bileyska, ayaa shaacisay in ku dhowaad 16 ruux lagu soo qabtay baaritaaadii u dambeeyay.

Shaqsiyaadkaad oo haatan ay baaris ku socoto ayaa laga soo kala qabtay Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaa degaanka Ceelasha Biyaha.

“Baaritaanka wixii kasoo baxa waa la idinla soo wadaagayaa,” ayay hadalkeedka ku dartay Sakiya, oo si lamid ah ah afhayeenka ciidanka.

Jenaraal Sakiya ayaa intaasi raacisay in laamaha amaanka ay u gaarsanayaan rag kale oo ku jira gudaha caasimada oo diyaarinaya falal lidi ku ah amaanka.

“Xogtooda waa la hayey, waana lagu raad-joogaa ragga ka shaqeynaya khal-khal gelinta amniga oo bulshada ku dhex dhuumanaya,” ayay raacisay.

Taliye ku xigeenka oo sii hadlaysa ayaa xustay in si lamid ay ciidanka ay degmada Warta Nabada kasoo qabteen nin bam-gacmeed ku gannay xoogaga dowlada.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, ninkaan ayaa ku cararay guri ay degan yihiin dad shacab halkaasi oo uu saacado ka dagaalamayay.

Saraakiisha amaanka ayaa tibaaxay in muddo kadib ay ku guuleysteen ciidanka in ay soo qabtaan ninkaan oo aan wali saxaafada loosoo bandhigin.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada, ciidamada ayaa sare u qaaday howlgalada lagu xaslinayo Muqdisho oo si dardar leh ku socda.

Ku dhowaad 10 ruux oo u badan shaqaale dowladeed oo uu ku jiro wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaa lagu khaarijiyay dhacdadaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More