#Trump oo Israel ka dalbaday in aysan Ilhaan Cumar qaabilin

22,359

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maamulka Israel ka dalbaday in aysan Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib qaabilin marka ay safarka ku tagayaan Israel iyo Falastiin.

Sida uu qoray Wargeyska Axios ee ka soo baxa Washington, Trump ayaa kula taliyay Netanyahu in labada Xildhibaan ee ku jira Baarlamaanka Mareykanka laga mamnuuco Israel.

Waxaa uu sheegay in labada ay yihiin cadowga Israel markastana ka shaqeeyaan arrimo ka dhan ah jiritaanka Israel.

Ilhaan iyo Rashiida ayaa bishan tahaya Israel iyo Falastiin,waxaana horay u soo dhaweysay Israel oo safiirkeeda Mareykanka sheegay in la qaabilayo.

Dagaalka Ilhaan iyo Rashiidda oo isku dhinaca ah iyo Trump ayaa soo baxay kaddib ololihii doorashada Mareykanka ee 2016kii xilligaas oo uu Trump ku baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka.

Labada Gabdhood ayaa iyaguna halgan u galay sidii Trump awood ka hor istaagta ay dadka Muslimiinta ah ugu yeelan lahaayeen Baarlamaanka Mareykanka taas oo hirgashay markii ugu horreysay.

Trump iyo Netanyahu ayaa labadaba wajahaya dacwado la xiriira musuq maasuq iyo ku takrifal awoodeed oo ay sameeyeen in ay xafiiska joogaan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More