Trump oo diyaariyay qorshaha uu Askartiisa uga saaraya

6

Sida uu daabacay Wargeyska New York Times, Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu la baxo Askarta ka joogta Dalalka Afgaanistaan, Ciraaq & Soomaaliya kahor inta uusan xafiiska wareejin.

Kumanaan Askari ayuu qorshuhu yahay in uu saaro bisha janaayo 2021 oo 20-keeda uu wareejinayo Aqalka cad ee dalkaas looga arrimiyo si uu shaqada ula wareego Joe Biden oo ah Hogaamiyaha la doortay.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa isniintii loo gudbiyay dalabka celcelis ahaan Mareykanka uu dib ugu guryo celinayo askar gaareysa 4500 oo gudatay waajibaadkooda shaqo sida uu sheegay Wargeyska New York Times.

Qorshaha laga hadlayo ee bixitaanka Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya kama mid ahan saraakiisha & askarta ku sugan Kenya & Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya, halkaas oo laga fulin karo duqeymaha diyaaradaha aan Duulliyaha lahayn (Drones) sida ay sheegeen saraakiil kala duwan.

Trump ayaa aaminsan in tirada yar ee Ciidamada Ameerikaanka ah ay ku filan yihiin la shaqeynta Askarta Afgaanistaan & Ciraaq si ay dusha u saartaan mas’uuliyadda ugu weyn ee xasiloonida.

Qubaro Ciidan oo la hashay Teleefishinka CNN ayaa sheegtay in halista Al-Shabaab oo kamid ah faracyada Al-Qaacida ay muuqato, sidaas awged ay qaadi karto weeraro Argagixiso, balse hadda cabsida ugu weyn ee hortaagan ay tahay duqeynta lala eeganayo.

Robert C. O’Brien oo ah Lataliyaha amniga qaranka ee Trump waxa uu sheegay in dalka Afgaanistaan laga soosaarayo 2,500 oo askari, waxaana howshaas la fulinayaa bisha Janaayo horaanta sanadka 2021 sida uu hadalka u dhigay.

Mark Esper kahor inta aan shaqada ka eryin Hogaamiye Trump waxa uu aqalka cad u gudbiyay warqad ku saabsan walaaca uu ka qabo go’aanka Askarta Mareykanka ee laga soosaarayo dalalka ay joogaan ee Afgaanistaan, Ciraaq & Soomaaliya.

Isha: New York Times  / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More