TPLF oo ku hanjabtay inay maalmo gudahood ku qabsan doonto j…

Addis Ababa (Axadle) – Waxaa saacadihi la soo dhaafay xoogeystay dagaalada ka socda dalka Itoobiya, iyadoo jabhadda TPLF ay sii waddo faariisimaha ay ka sameysaneyso gobalada deriska ah .

Hogaanka sare ee ciidamada tirgrayga ayaa sheegay in ay isku balaarinayaan xadka gobalkooda uu la wadaago gobalada Canfarta iyo Amxaarada.

General Tsadkan, oo la sheegay inuu haatan yahay hogaamiyaha garabka ciidanka ee TPLF oo iyagu labaxay TDF, islamarkaana ahaa taliyihii ciidanka milatariga itoobiya ee xiligii dagaalka eritrea, ayaa sheegay inay maalmo gudohood kula wareegi doonaan jidka Addis ababa iyo Djibouti isku xira.

” Hawlgalkii Charchar ilaa Mile ee deegaanka canfarta wuxuu usoo gaba gaboobay si wanaagsan, haatan waxaan si deg deg ah kula wareegi doonaa jidka isku xidha Itoobiya iyo Djibouti waxaana sitoosa gargaarka ugu furi doonaa dadkayaga.” ayuu yiri General Tsadkan Gebretensae.

Waxa uu intaas hadalkiisa ku sii daray Tsadkan in ay ciidamadooda ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan fariisimo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegano dhowr ah .

“Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaan ku guulaysanay inaan burburino ciidankii ku sugnaa aaga Qobo iyo Woldie, oo ay kamid ahaayeen ilaaladii madaxtooyada, haatana awooda ciidan waa mid anaga noo xaglinaysa, waxaana Addis Ababa gali karnaa anagoon wax iska caabin oo wayn ah la kulmin”, ayuu yiri generaalka.

Dhanka kale, wararka ka imaanayo Gobalka Canfarta ee dalka Jabuti ayaa la sheegaya in ay dadka shacabka ah bilaabeen in ay isaga baxaan guryaha xilli ay ka cabsi qabaan xoogagagga in ay weeraro soo qaadan.

Abiy iyo xulafadiisa ayaa waxaa tan iyo May ku sucda dagaallo ay adkaatay in ay iska caabiyaan, TPLF ayaana wacad ku martay in ay dalka kala wareegeyso xukuumaddiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More