Tiradda booliska Kenya ee AlShabaab ay dishay 2018-kii oo la shaaciyey

Warbixin sanadle ah oo lasoo sii daayey Jimcadii ayaa lagu fahfaahiyey khasaaraha.

18,807

Tiradda booliska Kenya ee AlShabaab ay dishay ayaa waxaa soo Bandhigay. Taliska ciidamadda Booliska waddanka Kenya kaas oo shaaciyey khasaaraha dhimasho ee soo gaarey sanadkii tegay ee 2018-kii.

Warbixin lasoo sii daayey Jimcadii, 13-ka September 2019. Ayaa lagu shaaciyey in 65-sarkaal oo boolis ah ay kaga geeriyoodeen weerarada la xiriira argagixisada.

Si gaar ah, weerarada ka dhacay degaanada ku teedsan xuduudka Soomaaliya ayaa waxaa ku naf-waayey ku dhowaad 23 sarkaal oo bileys ah, sida ku xusan qormada.

Dhimashooyinkii ugu badnaa

Bishii June, sideed sarkaal ayaa waxaa lagu khaarijiyey kadib weerar qarax Miino ah oo ay xoogaga AlShabaab mas’uuliyadiisu dusha saarteen.

Isla weerar noocaan oo kale ah, 12-sarkaal ayaa lagu naf-gooyey bartamihii sanadkan 2019. Maleshiyadka ku xiran ururka Al-Qaacida ayaa lagu eedeeyay.

Sikastaba, warbixinta ayaa waxay tahay mid si sanadle ah loosoo saaro, waxaana ay sanadkan ay dhimashu gaareysaa 35%.

Kenya ayaa weeraro kala kulmeysay Al-Shabaab tan iyo markii ciidamada wadankaasi ay 2011-kii soo galeen Soomaaliya iyaga oo qeyb ka ah AMISOM.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More