#Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland oo goor dhaw Iscasilay

8

Warar goor dhaw naga soo gaaray Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Cabdi Shugri Cabdulaahi Xuseen.

S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa waxa uu sheegay in warqadda iscasilaadiisa uu u gudbiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Hayeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in taliyuhu uu amray in Soomaaliland jawaab deg deg ah laga siiyo daandaansi uu sheegay inay ku heyso dhulka deegaanada Puntland, balse ay arrintaasi kasoo horjeesatay Madaxtooyada Puntland.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in sababta uu isku casilay taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ay tahay , kadib markii Madaxweyne Deni isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo xiisada dagaal ee kala dhaxeysa Soomaaliland.

Si kastaba S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland waxaa loo magacaabay 28 October ee sanadkii 2018 xiligaas uu digreeto ku magacaabay madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas.

Lama oga weli in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu aqbalay warqada is casilaada uu u gudbiyey taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen: Cabdi Shugri Cabdulaahi Xuseen,waana sarkaalkii ugu darajada sareeyey ee iska casila xil uu ka hayay Puntland tan iyo markii loo doortay Madaxweyne siciid Cabdullaahi Deni.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More