#Taliyaha Booliska Saldhiga Warta-Nabada ee Muqdisho oo la dilay

16

- Advertisement -

Raghubeysan ayaa saaka ku dilay magaalada Muqdisho taliyihii Saldhigga Booliska degmada  Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Taliyaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay macalin Daahir waxaana dilka geystey koox ku hubeysan bastoolado xilli uu ku sii jeeday Saldhigga Booliska uu taliyaha ka ahaa.

Wararka waxa ay sheegayaan in xilligii la dilayay taliyaha aysan la socon wax ilaalo ah waxana uu watay gaari yar isagoo lagu diley meel aan ka fogeyn Saldhigga Booliska degmada Wardhiigley.

Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday waxaana meydka taliyaha la geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID si baaritaan loogu sameeyo sida dilka uu u dhacay.

Xoghayaha degmada Wartanabadda Cali Aadan ayaa xwarbaahinta u xaqiijiyay in taliyihii Ciidanka Booliska degmada Wartanabadda ayaa lagu dilay Agagaarka Saldhigga degmada.

Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa gaaray gooobta uu dilka ka dhacay ayagoo howlgal ka sameeyay balse aan la sheegin cid ay kusoo qabteen.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku soo kordhay dilalka loo geysto Dadka Rayidka ah iyo askarta ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More