Taliya qeybta Booliska Nugaal oo shaqada laga joojiyay

36,923

Taliyaha Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu sameeyay shaqo joojin kaddib eed loo jeediyay.

- Advertisement -

Muumin Cabdi Shire ayaa waxaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Booliska Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse.

Muumin ayaa lagu eedeeyay in uu amar diiddo sameeyay sidaasna shaqada looga joojiyay iyada oo uu soo baxayo khilaaf u dhaxeeya labada nin oo taagnaa todobaadyadii la soo dhaafay.

Wareegtada shaqada looga joojiyay Muumin Cabdi Shire Taliyaha qeybta Booliska Nugaal ayaa waxaa la ogeysiiyay Madaxweynaha Puntland Sucuud Cabdullahi Deni.

Saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ayaa sheegay in dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay uusan fiicneyn xiriirka labada Taliye.

Taliye qeybeedka lagu sameeyay shaqo joojinta wali kama hadlin go’aanka Taliyaha Booliska Maamul Goboleedka Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More