#Taliska Booliska Soomaaliya oo shaaciyay qorshe lagu yareynayo saxmada wadooyinka Muqdisho

2

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaciyay  in Dekedda Muqdisho ay shaqeyn doonto habeen iyo maalin si loo yareeyo Mashquulka ka taagan Wadooyinka Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay waddeen dadaallo habeenkii lagu xaqiijinaayo Ammaanka Muqdisho gaar ahaan Dekedda si loo yareeyo in maalintii Gaadiidka waa weyn ay xiraan Wadooyinka Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in la xaqiijiyay in dekedda loo dhameystiran dhammaan Waxyaabihii u sahli lahaa in ay shaqeyso habeenkii, islamarkaana loo diyaariyay Ciidamo gaar ah oo arintaasi ka shaqeyn doona.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More