Taliska Booliska Boosaaso ayaa sheegay inay soo saareen Miino dhulka lagu aasay

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen soo saarida miino lagu aasay mid kamid ah wadooyinka magaalada.

Ciidankan oo helay xog ku saabsan miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa ay sameeyeen howl gal daqiiqado qaatay ugu dambeyntiina waxa ay ka soo saareen bambkii, sida uu sheegay Taliska Booliska Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa dhankiisa sheegay in Qaraxyada Al-Shabaab iyo Daacish la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada.

Howlgallo amniga lagu sugayo ayaa laga fuliyay isla magaaladaas, maadaama uu kusugnaa  halkaas Hogaamiye ku-xigeenka Dawladda Puntland waxaa la kordhiyay kormeerka howlaha xarunta gobolka Bari.

DG Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah geysay sii ay usugaan amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, maadaama lagu wado in  lagu qabto doorashada kuraasta baarlamaanka BFS.

Hogaamiye ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kulan la qaatay saraakiisha amniga isagoo kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa amniga gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More