#Sugidda Amniga Dhuusamareeb Oo Ay La wareegtay Xukuumadda Soomaaliya

2,366,779

Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Dalka, Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wareejiyay Ciidamo isugu jiro Nabadsugid iyo Booliis, si ay u xaqiijiyaan amniga.

Ciidanka Dhuusamareeb loo gacangeliyay waxaa ay isugu jiraan Ciidankii hore Ahlu Sunna iyo Ciidamo cusub oo lagu biirinayo si ay uwada howlgalaan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saraakiisha iyo ciidanka amniga loo dhiibay kula dardaarmay in ay mas’uuliyad iska saaraan sugidda amniga.

Ciidamada waxa uu ka dalbaday in ay dulqaad u muujiyaan shaqooyinka ku hor gudban, isla markaana ay shacabka si wanaagsan ula shaqeeyaan sida uu hadalka u dhigay.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa la filayaa in ay ka dhacdo Doorashada Galmudug oo waqti ahaan Dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ay isku raaceen Bishaan Luuliyo.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More