Sudaan oo ku guulaysatay Gudoomiyaha Urur goboleedka IGAD.

1,258

- Advertisement -

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk, ayaa “leysku raacay” in uu noqdo gudoomiyaha cusub ee urur goboleedka IGAD, sidda ay Axadle uu xaqiijiyeen diblumaasiyiin.

Mr Xamduuk oo xafiiska ku yimid isbedelka ka curtay waddankiisa ayaa bedeli doona Abiy Axmed, wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.

Xilkaan oo loolan adag uu ka taagnaa ayaa wuxuu curyaamiyey shaqooyinka ururkaan. Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti oo isku haystay ayaa markii ay heshiis gaari waayeen laga dhex-bixiyey.

Suudaan iyo Uganda ayaa ahaa murashaxiinta ugu cad-cad ee hanan kara kursigan oo waajibaadkiisa uu yahay in uu maamulo dhamaan shaqooyinka uu qabanayo ururkan.

Guusha suudaan waxaa gadaal ka riixayay Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo diidanaa in Kenya qabato xilka Guddoonka IGAD.

soomaaliya iyo Jabuuti midkoodna ma qaban karin,waxaanay si dhameystiran u bixin qaaraanka Ururka ee uu ku shaqeeyo.

Itoobiya waxaa ay qaadatay xoghayaha, halka ay dood badan ka taagneed cida qabanaysa Guddoonka Ururka oo uu dhawaan baneeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Doorashada maanta ka dhacday Adis ababa waxaa lagu ansixiyay qaabdhismeedka cusub ee ururka gobeelka IGAD.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay dhamaan Madaxda Wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD ee ka jira geeska Afrika.

Sidoo kale Xoghayaha fulinta IGAD, Workineh Gebeyehu, ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay waxaana halkaasi ku soo dhamaaday loolan ka taagnaa Xilka gudoomiyaha urur goboleedka, Wuxuu bedelay Maxbuub Macalin oo Kenyan ah.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More