Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay liis cusub oo ay so…

Muqdisho (Axadle) – Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay kusoo bandhigtay waddamada ugu halista badan oo ay carruurta ku noolaadaan, waxaana liiska kaalinta koowaad ka galay Soomaaliya, ayada oo ay kusoo xigaan Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay colaadaha ugu halista badan oo ay wajahaan carruurta 60% ay ka dhaceyn wadamada Soomaaliya, Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya, waxaana wadamadaan lagu sumtay inay ku jiraan liiska madow, waxaana jiro wadamo kale oo ay ka dhaceyn dhibateynta carruurta 40% sida lagu caddeeyey diiwaan gelinta lasoo uruuriyey.

Sida ku xusan warbixinta, in ka badan 3,200 oo caruur ah ayaa la xaqiijiyay in lagula afduubay xaaladaha dagaalada sanadkii 2020, ugu yaraan 1,268 waxay ahaayeen dhibanayaal tacadiyada galmada.

Dambiyaddiiugu xumaa ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay ka dhaceen Soomaaliya oo ay ka jiraan xadgudubyadii ugu badnaa illaa iyo hadda, iyaddoo Al-Shabaab ay tahay cidda ugu badan.

Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaadda ayay warbixintu si cad u sheegtay in horumar kooban laga sameeyay gabaad-siinta dhalinyaradda, balse aysan muuqan dedaalo abaabulan.

Myanmar ayaa sidoo kale, kaalinta koowaad kaga jirta liiska xadgudubyada waaweyn, oo ay ku jiraan tirada ugu badan ee carruurta la askareeyay lana isticmaalay, halka Yemen ay ka mid tahay tirada ugu badan ee carruurta la dilo ama la naafeeyo.

Afgaanistaan, waxay sheegtay warbixinta, in Taalibaan ay mas’uul ka tahay saddex-meelood laba meel xadgudubyada, dowladda iyo maleeshiyooyinka dowladda taageera inta kale.

“Carruurtu hadda kadib ma noqon karaan mudnaanta ugu dambeysa ee ajandaha caalamiga ah ama kooxda ugu yar ee la ilaaliyo ee shakhsiyaadka ku sugan meeraha,” ayay tiri Virginia Gamba, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta xilli ay la hadleysay warbaahinta kadib markii lasoo bandhigay warbixintaan.

“Waxaan u baahanahay inaan siino caruurta bedelida rabshadaha iyo xadgudubka. Waxaan u baahanahay nabad, ixtiraamka xuquuqda carruurta iyo dimuqraadiyadda.” Ayey markale tiri.

Gamba waxay sheegtay in xadgudubyada ugu ballaaran ee dhacay sanadka 2020 ay ahaayeen qorista iyo adeegsiga caruurta ee dhanka ciidamada iyo dilalka iyo rabshadaha ay sameeyaan kooxaha hubeysan taasoo ay ku sheegtay mid cuuryaamineysa carruurta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More