Soomaaliya Oo Ka Qayb Galaysa Tartan Ayna Abidkeed Ka Qayb Galin

14,847

Soomaaliya Oo Ka Qayb Galaysa Tartan Ayna Abidkeed Ka Qayb Galin. Aroornimadii shalay ayay garoonka dayuurradaha ee magaalada Gothenburg ka ambabaxeen xulka qaranka Soomaaliya ee ciyaarta xeegada.

Waxay gaadheen dalka Keenya oo uu sabtida ka furmi doono Koobka Qaramada Afrika ee kubadda xeegada.
Yoonis Khaliif Xasan oo ah Guddoomiya kooxda matalaysa Soomaaliya oo la aasaasay 2016-kii. Ayaa warreeysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee idaacadda Raadiyaha Sweden. Ayaa uga war bixiyay tartankan oo markii ugu horreeysay uu xul ka socda Soomaaliya qaybta ka noqon doono.

Tartanka Xeegada Qaaradda Afrika oo ey ka qeyb galeyaan 10 waddan ayey saddex waddan oo ka mid ahi la socdaan xulal rag iyo haweenba leh. Balse Soomaaliya waxay ka qayb geleeysaa qaybta ragga oo 2 dufcadood ka kooban. waxayna Soomaaliya ku jirtaa dufcadda A oo ay kula midaysan yihiin xulalka Kenya, Nigeria iyo Togo, sida uu sheegay Yoonis Khaliif.

– Tartankani waa mid Afrika oo idil ku cusub. Balse waxaan wadannaa dhallinyaro ka dheesha dalka Sweden, guulna waa rajaynaynaa,” ayuu yiri Yoonis Khaliif.

Soomaaliya oo ay metelayaan laacibiin gebi ahaanba laga soo xulay magaalada Gothenburg ee caasimadda 2-aad ee dalka Sweden. Ayaa Sabtiga ciyaaraysa laba kulan oo ay midka 1-aad  ay 11-ka barqannimo ku wajahayso Kenya. Halka ay isla duhurkii kaddib 1-da iyo rubuc isku arki doonaan dalka Nigeria.

Kulanka ugu dambeeya heerka guruubyadana waxay Axadda la ciyaari doonaan dalka Togo, saacadda Afrikada Bari marka ay tahay 10:15 xilliga barqannimada.

Xigasho Radio Swedan

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More