#Soomaaliya oo go’aansatay in dhamaan shirarka iyo Siminaaradii ka dhici jiray Nairobi loo raro Kampala, Kigali, iyo Addis Ababa

33,708

Warar lagu kalsoonaan akro oo ay heleyso saxfadda maxaliga ah waxa ay sheegayaan in madaxda dowladda Soomaaliya ay isku raacday in dhamaan shirarka, Kulamada iyo Siminaaradii ka dhici jiray Nairobi laga raro, loona wareejiyo magaalooyinka Kampala, Kigali iyo Addis Ababa.

Go’aankan waxa uu ka soo baxay shirkii maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana dhamaan Wasiirada la faray iney ku wargeliyaan Hey’adaha ay bah wadaagta yihiin iney u wareegeen Saddexdaas wadan, , si loogu fududeeyo adeegyada ay u baahan yihiin Mas’uuliyiinta dowladda ee shirarka ka qeyb galaya.

Sida wararku sheegayaan go’aankan waxa uu kamid yahay Jawaabo is daba joog ah oo ay bixineyso dowladda Soomaaliya, kaasoo ka dhan ah talaabada ay qaaday dowladda Kenya, taasoo eheyd iney garoonka Nairobi ku celiso Wasiiro iyo Xildhibaano ay u diiday iney gudaha u galaan Nairbo, maadaama aysan Visaha dal ku galka ugu dhufan Baasabooradooda.

Inta badan Hey’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala dalkan waxa ay Saldhigyadooda ku yaalaan magaalada Nairobi, iyadoo aan la ogeyn sida ay arintan cusub u saameyn doonto, iyadoo laga war qabo in Midowga Yurub uu ka carooday talaabada ay ku xanibtay xubnaha ka socday Soomaaliya ee u socday shir iyada ay qabaneysay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More