Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo kawada hadlay deyn cafinta

114,703

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo dalka u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan gabogabo maraya.

- Advertisement -

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Raii’sul Wasaare Khayre, Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi.

Dhanka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Arrimaha Afrika, Hafez Ghanem iyo Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha, Jumake Jagun-Doknmu.

Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika iyo Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliyam Puteri Watson ayaa sidoo kale kasoo muuqday shirka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ma aysan fahfaahin ujeedka dhabta ah ee socdaalka wafdigan balse wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo dhowaan Bangiga Aduunka shaaciyey in uu taageerayo qorshaha deynta cafinta.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa gaareysa shan bilyan oo Doollar-ka Mareykanka, waxaana ku leh dowlado kala duwan kuwaas oo qaarkood ay ku dhawaaqeen in ay ka cafiyeen.

Norway ayaa bishii hore ku dhawaaqay in ay Soomaaliya deynta ka bixineyso, inkasta oo lacagta ay uga gudeyso ay tahay mid kale oo deyn ah, sidda ku cad warbixinta.

Cafinta deymaha ayaa lagu xiray shuruudo dhowr ah kuwaas oo qaarkood ay ka gudubtay Soomaaliya, wallow ay baaqi yihiin kuwa kale haddana xukuumadda ma aysan soo bandhigin waxay yihiin shuruudahaas.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More