Soomaaliya & Cuba oo beeniyay in lasii daayay Dhaqaatiir

Warar kasoo kala baxay Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa lagu beeniyay in lasii daayay dhaqaatiir Al-Shabaab kasoo afduubatay Ismaamulka Mandheera muddo haatan laga joogo sanad & Bar.

Warkaan ayaa daba-socday, kadib markii Sarkaal katirsan Sirdoonka Soomaaliya oo qariyay magaciisa iyo darajadiisa uu Wakaaladda Wararka AP la hadlay lana wadaagay macluumaadka sii deyntaas.

Wasiiradaha Arrimaha dibadda Soomaaliya & Cuba ayaa wadajir u sheegay in aysan sii deyntaas, balse ma aysan ka hadlin wada-xaajood socda oo lagu sii deynayo labada dhaqtar ee afduuban.

Sarkaal katirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Cuba oo lagu magacaabo Juan Antonio Fernández Palacios ayaa si cad u sheegay in been abuur uu yahay warkaan ah in gacanta afduub ay kasoo baxeen Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC-da ayaa yiri “Mas’uuliyiinta Soomaaliya ma sheegin warkaas, mana aha war dowladda Soomaaliya ka baxay. Nimankaas waxaa afduubtay Al-Shabaab, haddii lasii daayayna Al-Shabaab baa og. Annagu dadaallo ayaan wadnay, oo aannu ku dayneyno qofkii ajnabi ah oo ay Soomaaliya wax ku gaaraan, marka dadaalladaasi way socdaan, dowladda Cuba-na waan kala xiriirnaa, laakiin warkaas meelaha la marinayo ma aha war dowladda Soomaaliya ay sii deysay,” ayuu yiri wasiirka”.

Xukuumadaha Havana & Muqdisho ayaa xiriir joogta ah marar kala duwan ka sameeyay sii deynta labadaan dhaqtar oo ku maqan gacanta Al-Shabaab, wixii ka dambeeyay Bishii April 2019.

Al Shabaab oo sii daaysay 2 dhakhtar oo reer Cuba ah!

Cuba & Al Shabaab oo kawada xaajoonaya dhaqaatiir afduuban!

Isha: Abcnews.go.com / BBC Somali / AP / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More