#Soomaali kufsi lagu eedeeyay oo mar labaad xukun looga soo musaafurinayo Ingriiska lagu riday

2,911

Yacquub Axmed oo 30 jir soomaali ah ayaa mar kale maxkamad ku taal dalka Ingriiska waxa ay ku ridday xukun musaafurisa ah kadib markii bishii Oktoomar ee sano hore la soo celiyay xilli uu saarnaa diyaarad dalka looga musaafurinayay sababo la xiriira rakaabkii diyaaradda la saarnaa oo gadood iyo buuq ugu hiiliyay.

Mr. Yacquub iyo rag kale ayaa lagu eedeeyay in ay sannadkii 2007-da kufsadeen gabar xilligaasi jirtay 16 sano.

Tan iyo markii lasoo celiayay ayuu Yacquub si xor ah u dhexmarayay magaalada London kadib markii ay maxkamad kusii deysay damaanad, balse waxaa lagu xiray aalad lagala socdo dhaq-dhaqaaqiisa.

Kadib xukunkan cusub ayaa waxaa Yacquun lagu xiray goob xabsi u eg oo uu ku jirayo inta dalka markale looga musaafurinayo.

Qoyska gabadha la kufsaday ayaa soo dhoweeyay go`aanka cusub ee maxkamadda ee dalka looga musaafurinayo Yacquub.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More