Soo bannaan-bixinta Calanka Soomaaliya oo maanta laga joogo

Calanka Soomaaliya

- Advertisement -

Calanka Soomaaliya waxaa la alifay 12-kii Oktoobar 1952-tii maanta oo kale, dood & falanqeyn labo sanno ah ayuu soo maray, waxaana ugu dambeyn la shaaciyay 1954-tii, waana markii lagu arkay isaga oo dul babanaya Fiisho Gufeerno (Aqalka Dowladda Hoose).

Helistaanka Calanka waxa ay kusoo aaday tobankii sano ee madax bannaanida Soomaaliya laga shaqeynayay, maadaama la doonayay in Jamhuuriyadda Soomaaliya xorriyad uu siiyo Gumeystihii Talyaaniga oo koofurta heystay & Ingiriiska oo isticmaarsanayay Waqooyiga.

Soomaalidu xiligaas waxa ay ku mashquulsaneyd helitaanka calan si looga dhex aqoonsado ummadaha kale, Nashqadda midabka Buluugga Cirka u eg ee dhexda looga shabeeyay Xiddigta shanta gees leh waxaa iska lahaa Marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Calanka waxa uu 6-sano ka horeeyay xorriyadda Waqooyiga & Koofurta Soomaaliya iyo israacii labada Gobol oo ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana sanad waliba marka la gaaro 12-ka Oktoobar la maamusaa maalintaan.

Qaar kamid ah dadkii waaya-joogga u ahaa soo bannaan-bixinta calanka Soomaaliya ayaa sheegay in 66-sano kadib in aan loo sameyn hab maamuus sidaas u weyn si jiilka mustaqbalka loo tuso muhiimadda maalintaan.

“Calanka waxaa naqshadiisa la keenay 1952-dii, 12-kii Oktoobar, labadii sanno ee xigtay dood baa ka jirtay oo Qaramada Midoobay tiilay, balse 1954-tii markii Cabdullaahi Ciise uu tagay QM waana la ogolaaday” Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Abwaan Cali Dhoof.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “12-kii oktoobar 1954-tii ayaa la arkay Calanka oo suran Fiisho Gufeerno, oo u dhaxeeya calankii Qaramada Midoobay iyo kii Talyaaniga, balse ka gaaban, 1956-dii markii dowladdii Cabdullaahi Ciise la dhisay waxaa lala simay kii Talyaaniga iyo kii Qaramada Midoobay, 1960-kii, 26-kii June waxaa la surey beerta xoriyadda Hargeysa, isaga oo kaligiis ah, waana marka la yiri kana siib kana saar, ugu dambeyntiina 1960-kii , 1-dii luuliyo isaga oo kaligiis ah ayaa Xamar laga surey” ayuu yiri Abwaan Cali Dhoof.

66-sano kadib, Calanka Soomaaliya Sidee loo maamusayaa maalintaan u gaarka ah?

Axadle.