#Somali-land “Deni waxa uu wataa fikirkii C/wali Gaas”

2

Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal kazoo yeeray Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni kaasoo ku saabsanaa deegaanka Tukaraq oo ay isku hayaan labada maamul.

Wasiirka Biyaha Soomaaliland Saleemaan Cali Koore oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee Punland uu wato fikirka Madaxweynihii ka horeeyay ee Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Wasiir Koore ayaa carabka ku adkeeyay in ay filayeen in Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni in uu wax badan ka duwanaado Madaxdii ka horeysay.

Waxa uu sheegay in Soomaaliland marnaba aqbaleyn in dhulkeeda lagu soo xadgudbo sida uu sheegay Wasiirka Biyaha Soomaaliland Saleemaan Cali,waxaana hadalkiisa intaasi ku daray in dadka Reer Puntland ay xilligaan u baahan yihiin inay ku noolaadaan Nabad iyo Nolol.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ee ahaa in Soomaaliland ay ku xad gudubtay dhulka Puntland,waxana uu sheegay in Soomaaliland wadahadal ay diyaar u tahay laakin marnaba ka tanaasuleyn Xuduudeeda.

Hadalka Wasiirka Wasiirka Biyaha Soomaaliland Saleemaan Cali Koore ayaa kusoo aaday ayadoo ay jiraan uu Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni uu sheegay in marnaba aysan ka tanasuleen dhul ay Puntland leedahay ,sida uu hadalka u dhigay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More