Siyaasiyinta Waqooyiga ee garabka Cabdi Xaashi oo eedeyn cul…

Muqdisho (Axadle) – Golaha Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo guddiyada doorashada ee Gobolada Waqooyi.

Golaha oo isugu jiro siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu weli wado faragelinta guddiyada doorashada Gobaladda Waqooyi, waxayna ku eedeeyeen inuu jabiyey heshiiskii ahaa in magacaabista guddiyada ay ka tashadaan  Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka.

“Waxaa noo caddaatay in Farmaajo si toos ah usoo farageliyey howshii guddigii Wasiirada ee Ra’iisal wasaaraha u xilsaaray kala saarisa guddiyaddii dacwadda laga qabay, markii uu amray inay dib gu soo celiyaan xubno ka mida shaqaalaha dowladda oo ay hore uga saareen, kana mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo uu Farmaajo u rabo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada SEIT ee Gobaladda Waqooyi,” ayaa lagu yiri shirka jaraa’id

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo akhrinayey shirka jaraa’id ee golahaan ayaa sheegay inuu Farmaajo mid mid ugu yeeray wasiirada kasoo jeeda Gobaladda Waqooyi iyo odayaasha dhaqanka oo doonayey inay iska bedelaan xubnaha shaqaalaha dowladda, isagoo sheegay inuu culeys ku saaray inay arrintaan isaga haraan.

Madaxweyne Farmaajo ayey sheegeen inuu gacantiisa ku qortay shantii xubnood ee xukuumadda soo magacaabi lahayd ee ka mida Guddiyada Doorashada kala duwan ee Maamulka Gobaladda Waqooyi, waxayna ka digeen in lasoo saaro liisaska Guddiyada Doorashada Gobaladda Waqooyi iyadoo aan la isku afgaran.

Ugu dambeyntii, Ra’isulwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxay ugu baaqeen inuu shaqadiisa qabsado, maadaama uu isaga mas’uul ka yahay howlaha doorashada iyo hirgelinta heshiiskii 27 May lagu kala saxiixday Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More