Sidee ayey duqeyn la’aanta u saameysay howl-gallada ciidanka…

Muqdisho (Axadle) – Afhayeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdinuur oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo saameynta ciidanka Soomaaliya ay ku yeelatay duqeyn la’aanta, kadib markii Mareykanka uu hakiyey weeraradii cirka.

Xaashi ayaa sheegay in duqeymuhu ay qeyb weyn ka qaadanayeen dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna shaaciyey in lagu bartilmaameedsan jiray goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xoogaga Al-Shabaab ee aysan gelin karin Infantry-gu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jeclaan lahaayeen in markale dib loo bilaabo duqeymahaasi, si loogu wiiqo awooda kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

“Haddii ay suurtagal tahay ama ay billaabaaan duqeynta waa wax meesha ku jira, sababtoo ah meelo aan Infantry lagu geli karin ayey diyaaradahaasu ka qeyb qaadan lahaayeen, waana arrin loo baahan yahay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Xoogga.

Dhinaca kale wuxuu sharraxaad ka bixiyey howl-gallada milatari ee haatan ka socda dalka, wuxuuna sheegay in ciidamada kala duwan ay u baahan yihiin horin madaafiic ah oo askarta Infantry-ga ah ka taageera dagaalka lagu wajahayo kooxaha argagixisada.

“Marka ciidan Infantry yahay oo meel ka dagaallamaayo waxaa lagu kabaa horin madaafiic ah, marka waad garan kartaaa horinta madaafiicda ah, haddii lagu kabo ururkaas oo macal kunbud u ah madaafiicdiisa waxaan u maleynayaa Shabaab iska daayee xittaa wax kale oo celin karo in aynan jirin,: ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn waxa uu afhayeenka ciidamada Xoogga Soomaaliya xusay haddii la xoojiyo taageerada caalamiga ah ee ay helaan ciidamada inay la wareegi karaan amniga dalka oo dhan, maadaama la qorsheynayo inay Somalia ka baxaan ciidamada AMISOM.

“Haddii dowladaha kaalmeeya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, haddii ma aragtay taakuleyntaas noo dhammeustiraan waxaa waaye wadanka amnigiisa sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ciidamada Soomaaliya ugula wareegi karaan,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka, kuwaas oo suura-geliyey in ciidamada Xoogga ay kooxda Al-Shabaab kala wareegaan deegaano horleh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More