Shirka Looga ayaa looga hadlay amniga Qaramada Midoobay

Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo AMISOM, ayaa ku kulmay xarunta Qaramada Midoobay ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

- Advertisement 1 -

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Farxaan Cali Axmed, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo saraakiil ka tirsan howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

“Shirka Amniga looga hadlayo hagaajinta caasimada gaar ahaan degmooyinka ku hareeraysan garoonka diyaaradaha Aadan iyo gaar ahaan muhiimad gaar ah u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee maanta ku sugan Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Amb. James Swan ayaa amaanay Wasaaradda Amniga Soomaaliya “Dadaalladeeda ku aaddan sugidda amniga dalka guud ahaan iyo gaar ahaan kheyraadkiisa”Sida garoomada diyaaradaha iyo Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay.

Wasiiru dowlaha amniga Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo sugi lahaa amaanka garoonka diyaaradaha iyo degmooyinka ku dhow dhow oo intabadan ay ku sugan yihiin hey’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.

24-kii saac ee la soo dhaafay, Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro xiriir ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More