Shirka Afrika iyo Ruushka oo maanta ka furmaya Sochi

36,818

Magaalada kulaasha Badda Madow ee Sochi ee dalka Ruushka waxaa maanta ka furmaya Shirka Afrika iyo Ruushka oo sanadkiiba mar la qabto.

- Advertisement -

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgelaya Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika,waxaana ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21kii Bishan ka baxay Dalka iyaga oo u dhoofay Dalka Ruushka.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa madaxda Afrika iyo Ruushka ee ka qeybgeleysa shirka Afrika iyo Ruushka ee ka furmaya Sochi.

Dowladda Ruushka ayaa shirkan ku sheegtay in ujeedadiisu tahay in Ruushku Caawiyo AFrika si shuruud la’aan ah isaga oo tartan kula jira dalalka China iyo Mareykanka oo maalgashi dhinac walba leh ku sameeyay Afrika.

Shirkan oo maanta furmayaa waxaa uu soconayaa ilaa maalinta berri ah ee 24ka Bisha,waxaana dhamaadkiisa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira qodobada looga hadlayo.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More