Shir looga hadlayo amniga doorashooyinka dalka oo Xalane ka

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,  gaar ahaa xarunta Xalane ka soconaya shir looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka doorashadaSoomaaliya ee 2020/21.

Shir ku saabsan amniga doorashooyinka ayaa waxaa, waxaa ka qeyb galaya madax ka socota Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka.

Arrimaha looga hadlayo sidii Hey’addaha Amniga dowladda Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa hadda u jiheysatay dhabbihii doorashada,  sida uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda dhexe iyo maamullada Faderaalka ah ee qeybta ka ah ayaa ku heshiiyay dhowaan in Soomaaliya ay gasho doorasho dadban.

Dhawaan ayaa hogaamiyayaasha Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxa ay heshiis ka gaareen arimaha doorashada iyo goobaha ay sida gaar ah uga dhacayaan, waqtiga iyo tirada ergada soo xulaysa xildhibaada Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More